Gollaha Dhexe Xisbiga
Xisbiga / Gollaha Dhexe Xisbiga
Gollaha Dhexe Xisbiga Dhulka Hooyo
Golaha Dhexe ee Xisbigu waa gole aad muhiim ugu ah horumarinta barnaamijyada siyaasadeed ee Xisbiga wuxuuna u xilsaaran hagista iyo jiheynta dhammaan hawlaha Xisbiga muddada u dhaxeysa laba (2) shirweyne guud kasta ee Xisbiga oo afartii (4) sanaba mar la qabto. Golaha Dhexe ee Xisbiga waxa uu ilaaliyaa dhowrsanaanta sharciyada Xisbiga wuxuuna had iyo jeer u kuurgalaa habsami u socodka hawlaha Guddiga Fulinta ee Xisbiga.
Golaha Dhexe wuxuu dhisaa Guddiyada anshaxa iyo Khilaafaadka Xisbiga dhexdiisa. Golaha Dhexe wuxuu ansaxiyaa xubnaha Xisbiga ee u sharaxan goleyaasha sharci dejinta Qaranka iyo kuwa deegaanka. Sifooyinka iyo shaqooyinka Golaha Dhexe ee Xisbiga waxaad ka daalacan kartaa.