Xisbiga Dhulka Hooyo wuxuu u taagan yahay dhisidda dawlad qaran oo Dastuuri dimuquraadiya ah kuna
dhisan sareynta sharciga, caddaalad garsoor, awood-qeybsi loo dhan yahay, heysatana kalsoonida shacabka
dalkana gaarsiin karta dawladnimo xooggan iyo xasilooni waarta ee dhaqaale iyo siyaasadeed.