Gollaha Fullinta Xisbiga

Xisbiga / Gollaha Fullinta Xisbiga

Gollaha Fullinta Xisbiga Dhulka Hooyo

Guddiga Fulinta waa guddiga ama hay’adda ugu sareysa hawl fulinta Xisbiga. Golaha Fulinta Xisbiga waxa uu u xilsaaran yahay meel marinta Barnaamijka siyaasadda ee Xisbiga iyo dhaqan-gelinta Dastuurka Xisbiga.

Hawlaha muhiimka ah Golaha Fulinta Xisbiga waxaa ka mid ah soo diyaariyaa xubnaha Xisbiga ee u sharaxan goleyaasha sharci dejinta Qaranka iyo kuwa deegaan marka musharaxiintu buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay ee u degsan Xisbiga.

Guddiga Fulintu waxa kale oo uu ka masuul yahay dejinta hannaanka iyo siyaasadda loo marayo qaadashada shaqaalaha rayidka ah ee xaafiisyada kala duwan Xisbiga marba inta looga baahan yahay shaqo maalmeedka xaafiisyada Xisbiga. Siyaasadda shaqaale qorista waxaa ansixinaya Golaha Dhexe ee Xisbiga. Sifooyinka iyo shaqooyinka Golaha Dhexe ee Xisbiga waxaad ka daalacan kartaa.