Mabaadi'da Xisbiga
Nagusaabsan / Mabaadi’da Xisbiga
Mabaadii’da Guud Ee Xisbiga
Xisbiga Dhulka Hooyo waxaa mabaadii’diisa ama aragtidiisa guud ka mid ah:
1) Xaqiijinta iyo xoojinta midnimada, karaamada iyo heybadda qaranka Soomaaliyeed.
XEERKA XISBIGA DHULKA HOOYO MOTHERLAND PARTY
2) Soo celinta iyo dhisida dawladnimo dadku aamminaan taas oo ku dhisan dimuquraadiyad Dastuuri ah.,
dal jaceyl iyo dhowrista qiyamka ummadda Soomaaliyeed.
3) Xaqiijinta siyaasad sal adag leh iyo hay’ado dawli ah oo loo dhan yahay (inclusive politics and
institutions) oo dammaanad qaadaya ka qeybgal loo siman yahay isla markaana si isku mid ah ugu
adeega dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
4) Hagaajinta hoggaaminta dalka iyadoo la raacayo shuruucda waddanka u degsan lana dhiirigelinayo
dhowrista karaamada qofnimo iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo cid kasta
oo uu xaqsiinayo Dastuurka dalku.
5) Hirgelinta hannaan dawladnimo oo ku dhisan dawlad-wanaag, isla xisaabtan iyo daah-furnaan ku
qotonta shuruucda dalka taas oo horseedeysa hufnaan maamul iyo mid maaliyadeed.
6) Hagaajinta siyaasadda arrimaha dibadda iyo dhisidda siyaasadda gudaha oo ku salaysan nabad, wadahadal, wada-noolaansho, wada-horumarid, wax wada-lahaansho, wax wada-ilaashi, is-qadarin, iskaabid, waxqeybsi aan sedbursi lahayn iyo is-xukun caddaaladdu saldhig u tahay.
7) Xoojinta iyo horumarinta kaabayaasha xasiloonida iyo horumarka dalka iyo dadka sida amniga,
dhaqaalaha, waxbarshada, shaqo abuurista, deris-wanaagga iyo dejinta ama dib-u-dejinta dadka
Soomaaliyeed ee waddanka gudihiisa iyo debaddiisaba ku barakacay.
8) Hubinta in dhallinyarada, haweenka, dadka laga tirada badan yahay, naafada iyo dhammaan bulshada
qeybaheeda kala duwan ka qeybgalaan siyaasadda xisbiga Dhulka Hooyo gaar ahaan iyo siyaasadda
dalka guud ahaan.
9) Ka hortagga wax kasta oo dhiirigelinaya kala faquuqa dadka Soomaaliyeed iyo dhowrista xuquuqda
iyo karaamada aasaasiga ah ee muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.