Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Kulan Ku Yeeshay Xubnaha Xisbiga Dhulka Hooyo labadiisa Gole ee Fulinta iyo Golaha dhexe kuwaas oo Looga Hadlay Xaalada Guud ee Dalka iyo u Diyaar Garowga Doorashada la Filayo in ay ka Dhacdo Dalka Bartamaha Sanadka Nagu so aadan ee 2026.
Kulan kan uu Shir Gudoomiyay Hogaamiyaha Xisbiga Dhulka Hooyo ahna Musharaxa madaxweyne Prof Cabdiraxman Macalin Axmed(Ablaal) ayaa Diirada lagu saaray sida uu xisbiga Ugu Diyaar Garoobi lahay Doorashooyin ka Dalka Ka Bilaabanaya iyo muhiimada ay leedahay ka Qeyb Gal ka Dhalinyarada Hanaan ka Geedi Socod ka iyo Dowlad dhiska ee Dalkeena.
Ugu Dambeyn Hogaamiyaya Xisbiga Ayaa Amaan iyo Bogaadin u Diray Ciidamada Geesiyasha ah Haglan ka ay ku jiraan isaga oo Xusay in ay Dalka ugu adeegayan si Naf Hurnimo leh iyaga oo Xaalada adag ku shaqeynaya.